Ticker

6/recent/ticker-posts

*Hufnaanta iyo Hawlkarnimada**

*Hufnaanta iyo Hawlkarnimada**.

**Hordhac**

Hufnaanta iyo hawlkarnimadu waa laba eray oo aad isugu dhow; isla markaana si weyn loogu isticmaalo hannaanka maamulka iyo horumarka bulshada. Labaduba waxay ka tarjumayaan sidii shaqooyinka loo qaban lahaa si daah-furan; xilkasnimo leh, waxtar leh, isla markaana loogu adeego danta guud ee bulshada. Marka si guud loo eego; hufnaanta waxay la xiriirtaa daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, halka hawlkarnimadu tahay dadaalka iyo waxtarka shaqsiga ama hay'adda.







**Hufnaanta (transparency)**

Hufnaan micneheedu waa in hawlaha dawladnimo, shaqooyinka maamulka, iyo howsha bulshada lagu maamulo si daahfuran oo aan wax sir ah ama musuq ah lahay. Hufnaanta waxaa ka midah:



* In xogaha muhiimka, ee la xiriira adeegyada iyo qorshayasha la shaaciyo.

* In hay'aduhu, la xisaabtamaan dadweynaha.

* In lahelo nidaam furan oo qof walba uu ku fahmi karo sida loo gaadhay go'aannada.



Hufnaantu waxay ka hortagtaa musuqmaasuqa, waxayna sare u qaaddaa kalsoonida dadweynaha ee hay'adaha dowliga ah iyo gaarka ahba.



---



**Hawlkarnimada (Efficacy)**

Hawlkarnimadu waa awoodda iyo kartida lagu qabto shaqo si hufan, waqti yar ku baxa, kheyraad yarna la isticmaalayo, iyada oo natiijo muuqata gaadhayo. Hawlkarnimadu waxay muhiim u tahay horumarka, waxaana gagu gartaa:



* Shaqo wanaaga joogto ah.

* Karti eyo xirfad sare.

* In qofku waqtigiisa, wanaagsan u maareeyo.

* In aan la lumen kheyraadka, lana gaaro wax-soosaar.



Hawlkarnimadu waxay la xiriirtaa isku-duubni, dedaal. Iyo rabitaanka in shaqo la qabto si waxtar leh oo degdeg ah.



---



**Isku-xirka Hufnaanta, iyo Hawlkarnimada**

Inkasta oo labada eray ay yihiin kuwo kala duwan; haddana midba mid buu dhameystiraa. Hufnaan

Post a Comment

0 Comments